942 Views

SAWIRO:-Ciidamada Booliska Haramcad oo laga soo daad gureeyay Dhuusamareeb

SAWIRO:-Ciidamada Booliska Haramcad oo laga soo daad gureeyay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Ku dhowaad 200 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Harmacad kuna sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa goordhow halkaasi laga soo qaaday.

Soo daad gureynta Ciidamaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib dalab ka yimid Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo shuruud ka dhigay bixitaanka Ciidamada si ay kaga soo qayb galaan Shirka Dhuusamareeb.

Ciidamada Haramcad oo ah Booliska sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb la geeyay xilligii ay ka socdeen howlaha doorashooyinka,waxaana ay sidoo kale ka qeyb qaateen dagaalkii Ahlusunna looga saaray Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwna oo ka socda Dowlad Goboleedyada,waxaana gaaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post