1074 Views

Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Agaasimeyaasha Gobolka Banaadir

Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay  Agaasimeyaasha Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar iyo gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dardaaran ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda.

“Waxaa maanta kulan gaar ah la qaatay agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar iyo gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dardaaran ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish.

Kulankaan oo ka dhacay Aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyadoo duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish uu mid mid u xogwareysanayay agaasimayaasha uu kulanka la qaatay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment