1350 Views

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay saameyn ka dhalatay Roobkii da’ay

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay saameyn ka dhalatay Roobkii da’ay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 13 2020–Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka da’ay roob xoogan oo saameyn ku yeeshay Guud ahaan magaalada muqdisho iyo dadka danta yar ee ku nool Caasimadda.

Roobkaas ayaa burburiyay wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho qaarkoodna uu Biyo dhigay, waxaana sidoo kale uu saameyn ballaaran ku yeeshay Roobka qoysas danyar oo ku nool qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray degmooyinka qaar oo qoysas degan uu saameyn ku yeeshay roobka,kadib markii guryahooda ay biyaha Roobka ugu galeen.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay u gurmadeen qaar kamid ah Qoysas ku nool degmada Boondheere,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo sidoo kale lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

Wadooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ayaa xilliyada roobka xirma,kuwaas oo markii hore helin dhismo wanaagsan,waxaana taasi ay dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Caasimadda

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post