921 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde una Duulay magaalada baraawe

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo  kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde una Duulay magaalada baraawe
____________________________________________________________________________

: October 3, 2021


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rooble iyo masuuliyiinta la socotay ayaa u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sida shaqooyinka u socdaa.

Raisul Wasaare Rooble ayaana kormeeerka Garoonka Aadan Cadde kadib halkaasi ka dhoofay isagoona u ambo baxayn
magaalada Baraawe ee caasimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baraawe ayaana waxaa saakay gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale kuwaa oo halkaas kusoo dhaweenaya Raisul Wasaare Rooble iyo wefdiga la socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post