1086 Views

Madaxweynaha Puntlandoo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNHCR

Madaxweynaha Puntlandoo  xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNHCR
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNHCR u soo magacowday Soomaaliya.

Wakiilka hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR Magatte Guisse iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Deni.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa isbarasho iyo is xogwarwysi.

Madaxtooaydu waxay sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post