750 Views

Askariyad reer Nigeria oo loo xiray guur laga dalbaday oo ay aqbashay.

Askariyad reer Nigeria oo loo xiray guur laga dalbaday oo ay aqbashay.
____________________________________________________________________________


Talaado: December 21, 2021

Afhayeenka ciidamada Nigeria ayaa sheegay askariyad ka tirsan ciidamada dalkaasi ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki ay aqbashay dalab guur oo loo soo jeediyey xilli ay shaqo maalmeedkeeda ku jirtay.

Wuxuuna intaa ku daray iney askariyaddu ku xadgudubtay xeerka ciidamada u yaalla ee dhigaya askariyadda iyada tuutaha ciidanka xiran iney jaceyl jili karin.

Muuqaal toddobaadkan qabsaday baraha bulshada oo lagu arkayey nin jilba joogsaday oo askariyadda hor fadhiya guurna ka dalbanaya, dadki dhacdadaasi goob joogga u ahaana farxad ay u muujinayaan.

Kooxaha u dooda xuquuqda haweenka waxay ciidamadu ku eedeeyeen iney askariyaddaasi takoor kula kaceen.

“Ragga askarta ah oo iyagoo tuutaha ciidamada xiran ama shaqada ku jira meel fagaara ah dalab noocaasi loogu soo jeediyo tallaabbo noocaasi ah lagama qaado” ayey yirahdeen koox Arrimaha haweenka u dhaqdhaqaaqada sharciyaddana ka caawiso.

Afhayeenka ciidamada General Clement Nwachukwu wuxuu BBC u sheegay askariyadda iney ku xadgudubtay anshaxa askarta gaar ahanna isticmaalka baraha bulshada.

“Hab-dhaqankeedu wuxuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka wanaagsan iyo anshaxa ciidanka,” ayuu yiri.

“Macallinka ama askariga tababaraha ah waajibka saaran wuxuu yahay inuu ardaydiisa uu tababar siiyo balse ma aha inuu la sameysto jaceyl ama xiriir kale noocuu doonaba ha ahaadee,” ayuu yiri Gen Nwachukwu oo hadalkiisa sii wata.

Xigasho BBC Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post