816 Views

Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn

Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Golaha Wasiirada ee xilka siihaya ayaa waxaa loogu yeeray kulan aan caadi aheyn oo duhurnimada Maanta ah ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha ayaa xalay ilaa saakay tiro laab jeer ah waxaa loo diray farriimo ku aadan in uu jiro kulankaas,welina lama cadeyn waxa looga hadlayo kulanka iyo waxa xilligaan kusoo beegay.

Kulankaan aan caadiga aheyn ee la isugu yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ay xilligaan ka jiraan dalka ,isla markaana aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrimaha doorada.

Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharciyadda Xukuumad Xil Gaarsiineed ay u leedahay inay go’aano gaarto, iyadoo dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post