396 Views

Hindiya oo Ugu yaraan maydadka 133 qof oo lagu soo wareejiyay eheladooda

Hindiya oo  Ugu yaraan maydadka 133 qof oo lagu soo wareejiyay eheladooda
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022


Hawlgallada samata bixinta ayaa weli ka socda degmada Morbi ee gobolka Gujarat, halkaas oo ugu yaraan 141 qof ay ku dhinteen ka dib markii ay buundo la duntay fiidnimadii Axadda.

Ku dhawaad ​​500 oo saraakiil ah oo ka kala socda ciidamada qaranka iyo kuwa gobolka ee gurmadka masiibooyinka ayaa ku sugan goobta.

Ciidamada militariga ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya gurmadka.

Saraakiisha ayaa isticmaalaya wiish si ay uga soo saaraan dadka burburka buundada jabtay .

Mas’uuliyiinta gobolka Gujarat ee dalka Hindiya ayaa ballan qaaday in baaritaan buuxo ay ku sameyn doonaa burburka ku yimid buunddo ay dadweynaha isaga gudbaan oo ku taalla halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post