1353 Views

Qarax Ciidamo ka tirsan Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qarax Ciidamo ka tirsan  Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13,  2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha  ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj inta u dhexeysa Buula Mareer iyo Golweyn.

Sidoo kale warar hordhac ah ayaa sheegaya in  qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan  Sadax askari  oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee AMSIOM, halka uu ku dhaawacmay oo mid kale oo tarjumaan ah.

Dhinaca kale Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxaya AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ku aadan qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Uganda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post