597 Views

Laamaha amaanka dalka Uganda oo sheegay inay ku raad joogaan ninkii labaad oo doonayay inuu qarax ismiidaamin

Laamaha amaanka dalka Uganda oo  sheegay inay ku raad joogaan ninkii labaad oo doonayay inuu qarax ismiidaamin
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

 Laamaha amaanka dalka Uganda ayaa sheegay inay ku raad joogaan ninkii labaad oo doonayay inuu qarax ismiidaamin ah ka geysto dadki u baroor diiqayay ku xigeenkii taliyaha booliska dalkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la weeraro goobta ay ka dhaceysay munaasabadda aaska Lokech, taasoo ay ka qayb galeen madax sar sare oo kamid ahaa Madaxweynihii KMG ee Somalia Sheekh Shariif Sh Axmed.

Saraakisha ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu baxsaday habeenkii Jimcaha ayna ku raad joogaan, ninkii horey loo qabtay oo lagu magacaabay Abdul] Katumba ayaa lala xiriiriyay inuu xiriir laleeyahay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab sida ay qoreen warbaahinta dalka Uganda.

Saraakisha amaanka waxa ay shaaciyeen in labadaan nin ay doonayeen inay baroordiiqda socoto ay isku qarxiyaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in labadaan qof ay doonayeen inay howlgal ismiidamin oo u muuqday aargudasho ay ku qaadaan baroordiiqda socotay maadama dhowr howlgal uu taliyihii Geeriyooday ku qaaday Al-shabab looga saaray saldhigyo ay Koofurta iyo bartmaha Soomaaliya.

Janaraal Paul Lokech waxa uu ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Uganda, isagoo Soomaaliya kasoo shaqeeyay in muddo ah.

Intii uu Soomaaliya ku sugnaa mar waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee gacanta ku hayay amniga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Taliska militariga ayaa sheegay inuu hadda socdo howlgal lagu raadinayo dadka la shaqeynayay ninka damacsanaa in uu is qarxiyo ee lagu qabtay degmada Pader, oo ah meesha uu kasoo jeedo janaraalka geeriyooday, ee la oran jiray Lokech.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post