468 Views

Militariga Kenya oo sheegay inay dileen 10 qof Alshabaab ah kaddib howlgal ammaan

Militariga Kenya oo  sheegay inay dileen 10 qof Alshabaab ah  kaddib howlgal ammaan
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Militariga Kenya ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo looga shakisan yahay Alshabaab, kaddib howlgal ammaan oo ay ka sameeyeen deegaannada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee degmada Lamu ee gobolka Xeebta.

Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in qaar kale ay baxsadeen iyadoo howlgalkaas uu ka dhacay xadka Lamu iyo Soomaaliya. KDF ayaa intaas ku daray inay howlgallo dhowr ah ka wadaan xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dadkan la dilay iyagoo isku dayaya inay u soo gudbaan dhanka Kenya. Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar Alshabaab ka tirsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post