1050 Views

Guddiga Xaquuqul Insaanka Itoobiya iyo Abiy Axmed oo “ku kala aragti duwan dagaalka Tigray

Guddiga Xaquuqul Insaanka Itoobiya iyo Abiy Axmed oo “ku kala aragti duwan dagaalka Tigray
____________________________________________________________________________

 Axad: July 4, 2021

Guddiga Xuquuqul Insaanka dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo badqabka dadka rayidka ahi ee ku nool waqooyiga gobolka Tigreeda, halkaasi oo colaad siddeed bilood socotay ay sababtay in boqolaal kun oo qof ay macluul ku habsato.

Guddigani madaxa bannaan balse ay dowladda Itoobiya soo magacawday ayaa ku baaqday in la helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladda amniga iyo tan bani’aadamnimada ee haatan ka tirta deegaankaasi

Hadalkan ka soo yeeray Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa u muuqda mid ka soo horjeeda mowqifka dowladda dhexe ay ka taagan tahay xaaladda gobolka Tigray oo dhawaan uun ay inta badan la wareegeen maleeshiyaadka daacadda u ah ururka TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa la kulantay dhaleecayn la xiriirta jarista korantada iyo isgaarsiinta gobolkaasi.

Waxayse beenisay in ay xannibtay gargaarkii bani’aadanimo ee loo waday dadka tabaaleysan kaddib markii dagaalyahanada fallaagada TPLF ay qabsadeen inta badan gobolka Tigray.

Maalintii Jimcaha ahayd ayaa kumannaan ka tirsan ciidamada dowlada oo la qabtay waxaa lagu soo bandhigay wadooyinka caasimada Meqelle, kuwaasi oo markii dambe loo dhaadhiciyay xabsiga.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ay sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof.

Kulan habeenkii Sabtida ahayd uu arrinta gobolka Tigray ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga sheegay in ay suurtagal tahay in colaad hor leh ay halkaasi ka dhacdo, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.

Ku simaha madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in 1.8 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul – marka lagu daro 400,000 oo qof oo durba ka gudbay xadka dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray in 33,000 kun oo carruur ah ay hayso nafaqadarro ba’an.

Dowladda Itoobiya ayaa maalintii Isniinta ahayd ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, haseyeeshee waxaa jiray warar sheegayay inay jiraan iska hor imaadyo goos-goos ah oo ka socda qaybo ka mid ah gobolka Tigreega, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ah in dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta leh ay dib u kala gurtaan.

Siddeedii bilood ee ay socotay xasaradda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku barakacay ku dhowaad laba milyan oo qof, halka boqolaal kun oo qof oo kalana ay halis ugu jiraan in ay macaluul u dhintaan.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala baxday gobolka kadib dagaallo bilo socday, taas oo dhalisay dabaaldegyo ka dhacay waddooyinka caasimadda gobolka Tigray.

Ra’iiisal wasaare Abiy Axmed ayaa markii hore sheegay in ka bixitaanku uu ahaa talaabo istiraatiiji ah maxaa yeelay magaalada hadda wixii ka dambeeya ma noqon karto “xarun dagaal oo muhiim sii ah”, Balse markii dambe wuxuu xaqiijiyay inay tahay in laga fogaanayo khasaara kale oo hor leh.

Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle , maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa kahor intaan meesha laga saarin.

Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020.

Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan.

Jabhada oo isku magacaawda ciidamada difaaca ee Tigreega ayaa hada maamusha inta badan gobolka waxaana ciidamada Eritrea lagu soo waramayaa inay ka baxeen magaalooyinka waaweyn.

Isgaarsiinta iyo koronto la’aanta gobolka ka jirta awgeed, macluumaadka ka laga helaya aad ayuu xadidan yahay.

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Abiy ayaa go’aansaday in xisbigii isbahaysiga qoomiyadaha ee EPRDF uu noqdo hal xisbi oo la yirahdo Barwaaqo, hase yeeshee TPLF ayaa gaashaanka u daruurtay go’aankaasi iyadoo diidday inay ka qeyb noqoto.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii doorashooyinkii la rabay in la qabto bishii Ogosto 2020 dib loo dhigey sababo la xiriira cudurka fayraska corona.

Kooxda TPLF ayaa kasoo horjeesatay talaabadan waxayna go’aansatay inay abaabusho doorasha gaar u ah oo hal dhinac taas oo ay ku guuleysatay 100%. balse Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid “sharci darro ah”, taas oo horseedday qalalaasaha haatan jira.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray. Maalintii xigtayna RW Abiy Axmed wuxuu ku amray militariga inay meesha ka saaraan maamulka dowlad deegaanka Tigary.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post