1194 Views

Qatar Oo Ku Eedeysay Sacuudiga Deganaansho La’aanta Somalia Iyo Dalal Kale

Qatar Oo Ku Eedeysay Sacuudiga Deganaansho La’aanta Somalia Iyo Dalal Kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani ayaa ku eedeeyey Dowladda Sacuudiga inay Deganaansho ka aabuurayso dalalka Somalia, Sudan iyo Libiya, oo uu sheegay inay iyagu dhexdhexaad ka noqdeen Khaliifka dalalka Khaliijka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa soo daabacay Wareysi  ay la yeesheen Wasiirka Qatar oo shalay ku hakaday magaalladda London, wuxuuna ku eedeeyey Sacuudiga inay qalalaase ka wada dhamaan dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika.

Isbuucyadii la soo dhaafay, Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa lagu eedeynayey  inay faragelin ku hayaan Dhaqdhaqaaqyadda caanka ee ka  jira Somalia, Sudan iyo Libiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani waxa uu xusay inuu garwaaqsan yahay inuu Khilaafka Khaliijka ku fiday dhamaan Mandiqadda, isla markaana ay dalalka Somalia iyo Libya yihiin labada Waddan ee ay Sacuudiga doonayaan inay bedelaan dowladahooda oo ay Sacuudiga ka walaacsan tahay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Sacuudiga u ololeysay inay Somalia siyaasad ahaan ku soo jiidato, balse ay Dowladda Somalia ka biyo diiday inay Dowladda Qatar u jaraan Xiriirka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani waxa uu sheegay in Khilaafka Sacuudiga iyo qalalaasaha ku faafayo dalal kale ay ka wada hadli doonaan Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Maraykanka, marka ay bisha soo socoto ku kulmaan magaalladda Washington.

Si kastaba ha ahaatee, Somalia waxay xiriir wanaagsan la leedahay Sacuudiga iyo Qatar, tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka dalalka Khaliijka bishii June ee sannadkii 2017-kii, oo ay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ku  go’doomiyeen dalka Qadar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment