735 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo  kulan la  qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.

Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso Doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in ay 15 bishaan ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Xog-hayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post