1113 Views

kulan looga hadlaayey dardargalinta ololaha bilic-soocelinta Dhuusomareeb oo lagu qabtay

kulan looga hadlaayey dardargalinta ololaha bilic-soocelinta Dhuusomareeb oo lagu qabtay
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Kulankan ayaa lagu qabtay Xarunta Dowlada hoose ee magaalada Dhuusamareeb waxaana soo qaban qaabiyey Maamulka Caasimada Galmudug waxa uuna ahaa Dardargalinta Ololaha Bilic-soocelinta magaalada kaas oo Todobaadyadii la soo dhaafay u socday si habsami leh.

Waxaa munaasabada ka soo Qaybgalay maamulka magaalada Dhuusamareeb, wasiiro, xildhibaano, guddiyada xaafadaha iyo bulshada magaalada waxaana looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlaha isugu jira dhismaha jidadka iyo bilic soo celinta magaalada.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa ugu horayn ka hadlay madasha waxa uuna faah faahin ka bixiyey Shaqooyinka ka socda magaalada bilic soo celintuna Qayb ka tahay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa dhankiisa balan qaaday in Wasaaradu Kaalin ku yeelanayso Hoshan Shaqaalaha Wasaaraduna ka Qayb qaadan doonaa.

Howlahan ka socda Magaalada Dhuusamareeb ayaa si wada jira waxaa isaga kaashanaya maamulka iyo Bulshada iyadoona hada Meel Wanaagsan ay marayso.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post