906 Views

dowladda Afghanistan oo wadahallada nabadeed la furaysa Xoogaga Taalibaan Magaalada Dooxa

dowladda Afghanistan oo  wadahallada nabadeed la furaysa Xoogaga Taalibaan Magaalada  Dooxa
____________________________________________________________________________

Sabti: july 17, 2021

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa BBC u sheegay in wadahallada nabadeed ay dowladda Taalibaan kula leedahay Dooxa in si wanaagsan ay ku bilowdeen, afhayeen u hadlay dowladda wuxuu sheegay in wadahadalladan ay gogol xaar u yihiin hanaanka nabadda ee lagu soo afjarayo dagaalka.

Suheil Shaheen oo ah afhayeen u hadlay Talibaan ayaa beeniyay in kooxda ay u weecatay inay qaado tallaabo militeri kadib markii dhawaan ay qabsadeen dhul badan balse dagaallada Afghanistaan laga bartay oo kali ah in xalka siyaasadeed uu yahay in nabadda la ambaqaado.

Waxay labada dhinac sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadallada si loo soo afjaro dagaalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa xilli dagaallo culus ay ka socdaan qeybo kamid ah Afghanistaan, dowladda Afghanistaan waxay sheegtay in Taalibaan ay ka qabsatay degaan ku yaalla gobolka Parwan.

Dhinaca kale, Pakistan ayaa qeyb ahaan dib u furtay xadka ay la wadaagto Afghanistaan maalin uun kadib markii la xiray oo ay ururka Taalibaan qabsadeen magaalo ku taalla xadka.

Sarkaal ka tirsan dowladda wuxuu sheegay in 4000 qof oo uu dhashay Afghanistaan oo isugu jira haween iyo carruur ay u tallaabeen dhinaca Pakistaan si qaraabadooda ku sugan gobolka Balochistan ay ula soo ciidaan.

Dadkan ayaa ku go’doonsanaa halkaas markii Talibaan ay ciidamada dowladda ka qabsadeen magaalada Spin Boldak, wararka waxay sheegayaan in tiro dad ah oo dhaawac ah kana soo jeeda Afghanistaan loo soo qaaday Pakistaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post