1032 Views

Odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo ku guulaystay in la joojiyo dagaal beeleed hubaysan, oo maalmo ka hor ka dhacay degaanka Dhabar-dalool

Odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo  ku guulaystay in la joojiyo dagaal beeleed hubaysan, oo maalmo ka hor ka dhacay degaanka Dhabar-dalool
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Odayaasha dhaqanka Gobolka Sool, ayaa ku guulaystay in la joojiyo dagaal beeleed hubaysan, oo maalmo ka hor ka dhacay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun.

Waxgaradka iyo odayaasha Gobolka oo booqday dhulkii lagu dagaallamay, ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda u dhexaysa labada beelood.

Odayaasha ayaa sidoo kale weli ku hawllan, waan-waan ku jihaysan sidii labada beelood heshiis rasmiya uga gaari lahaayeen colaadda degaanka, kadib markii ay dhinacyadu sheegeen in ay diyaar u yihiin Nabadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post