2010 Views

Madaxweynaha Turkiga oo soo jeediyay in la dhiso ciidamo ilaaliya Falastiiniyiinta

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ayaa Bayaan kasoo saaray xaaladda dadka Falastiiniyiinta ah oo la sheegay in ay maalmihii lasoo dhaafay la kulmaayeen dhibaatooyin culus.

Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo qadiyadda Falastiin,islamarkaana lala xisaabtamo Dowladda Israaiil.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.

Bayaan ka soo baxay shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah.

Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment