1098 Views

Dadka wadanka Jarmalka oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay usoo doortaan hogaamiye uu wadankaasi yeesho.

Dadka wadanka Jarmalka oo  safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay usoo doortaan hogaamiye uu wadankaasi yeesho.
____________________________________________________________________________

Axad: September 26, 2021

Dadka wadanka Jarmalka ayaa maanta safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay usoo doortaan hogaamiye uu wadankaasi yeesho.

Dadka codaynaya oo tobanaan kun lagu qiyaasay ayaa banaanka u taagan goobaha codka laga dhibanayo ayadoo cimiladu xooogaa kulushahay.

Waa isku soo bixii ugu weynaa ee dadku doorasho usoo baxaan tan iyo markii ay midoobeen labadii Jarmal sanadkii 1990,ki.

Madaxda xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay inay doonayaan is badal dhanka maamulka ah oo Jarmalka ka dhasha kadib 16 sanno oo ay hogaanka dalka haysay Angala Markel.

Angala Markel ayaan ka mid ahayn hadda musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada.

Guddiga doorashada maamulaya ayaa sheegay in birri oo Isniin ah natiijada doorashada la shaacin doono.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post