1446 Views

Sawirro:-Daacish oo soo bandhigtay dagaalkii ay la gashay Al-shabab,

Sawirro:-Daacish oo soo bandhigtay dagaalkii ay la gashay Al-shabab,
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 19, 2018 Ururka Daacish ayaa soo bandhigay Muuqaalka iyo Sawirro muujinaya dagaalkii ay duleedka Degmada Qandala kula galeen Al-shabaab.

Daacish ayaa sheegtay Insiintii la soo dhaafay in dagaal Axaddii dhexmaray Ciidankooda iyo kuwa AL-shabaab ay ku dileen 14 ka mid ah Ciidamada AL-shabaab.

Ma jirin cid ka madaxbanaan Daacish oo xaqoojisay sheegashadeeda, sidoo kale Al-shabaab kama hadlin dagaalka ay Daacish sheegtay.

Labada Urur ayaa ku kala aragti duwan maamulka iyo aragtida,waxaana ay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen meelo ka mid ah Gobollada Jubooyinka.

Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabab, haddii aysan joojin dilalka ay al-shabab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment