666 Views

Mozambique Kooxda Ahlu-Sunnah oo qaati laga taagan yahay

Mozambique Kooxda Ahlu-Sunnah oo qaati laga taagan yahay
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa Arbacadii sheegay in mintidiintu ay ku qasbeen 570,000 oo qof in ay ka qaxaan guryahooda gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique.

Nyusi ayaa wacad ku maray inuu ka guuleysan doono kooxaha kacdoonka wada ee kordhiyay weerarada tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacich sanadkii hore.

Dagaalyahannada ayaa dagaal la galayay ciidamada, iyagoo bilooyinkii u danbeeyay la wareegay magaalooyin ka tirsan gobolkan oo hoy u ah horumarka gaaska qiimihiisu gaarayo $60 bilyan.

Horraantii toddobaadkan, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 424,000 oo qof ay u qaxeen gobollada deriska la ah ee Niassa, Nampula iyo Pempa, waxayna ka digtay in dhibaatadu ku fidi karto goobaha ka baxsan xuduudaha Mozambique.

Kooxdan xagjirka ah ee Ahlu-Sunnah Wa-Jamaca ayaa fulisay weerarkeedii ugu horeeyay sanadkii 2017-kii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post