2220 Views

Garsooreyaashii xilka uu ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo war soo saarey

Garsooreyaashii xilka uu ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo war soo saarey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 10, 2018 – Wareegto shalay uu soo saarey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xilka uga qaaday 5 ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka,waxana xilka qaadistaas ka soo horjeestay mid ka mid ah garsoorayaasha ahna Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare.

Garsoorayaasha ayaa xilka laga qaaay waxyar ka hor markii  Wareysi ay siiyeen Dalsan Tv eedeyn kulul ay u jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed,iyaga oo xiligaas codsaday in xilka laga qaado balse ay iyaga xilkoodii ku waayeen.

Maxamed Maxamuud (Dr Luu) oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday ayaa sharcidaro ku tilmaamey xilka qaadistaas uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii uu dembi galay ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas.

“Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday ayuu yiri Dr luu.

Arrintaan ayaa u muuqatay mid khilaaf cusub ah oo soo kala dhex gashay waqtigaan Garsoorka dalka oo ah mid laga sugaayo Cadaalada balse u muuqda mid isaga isku mashquulay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment