1614 Views

Soomaali lagu eedeeyay fal kufsi ah dalka Talyaaniga

Soomaali lagu eedeeyay fal kufsi ah dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Ciidanka Jasiiradda Ortona ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay Nin 20-jir ah oo Soomaali ah lagu soo eedeeyay in uu isku dayay in uu kufsado haweeney waayeel ah xeebta ku taal magaalada Abruzzo.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan oo dhawaan soo galay talyaaniga in uu ahaa shaqsi magangaliyo doon ah,islamarkaana uu dhagaxaan waa weyn ee ku weeraray Haweenayda ka hor falka kufsiga ah.

Haweeneyda ayaa ku guulaysatay in ay goobta ka baxsato, islamarkaana ay gacanta u gasho Ciidanka Booliska.

“Waxaan ka baqayay inuu doonayo inuu i dilo, laakiin nasiib wanaag waan ku guuleystey in aan Cararo aniga oo dhaawac ah,” ayuu tiri Haweynda  68-sano jir ah oo isbitaal lagu daweeynaayo.

Ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan Xaaladda Caafimaad ee Muwaadinka Soomaliyeed oo hadda gacanta lagu haayo, islamarkaana su’aallo la weydiinaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment