3639 Views

Xildhibaan Qoono oo soo dhaweeyay soo afjaridi dhismaha guddiga Farsamada ee Hiiraan iyo Sh/dhexe

Xildhibaan Qoono oo soo dhaweeyay soo afjaridi dhismaha guddiga Farsamada ee Hiiraan iyo Sh/dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 08, 2015 – Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray kala aragti duwaantii ku wajahneyd dhismaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa ku aamanay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka dadaalka ay ku soo afjartay muriinkii ka dhashay dhismaha guddiga farsamada iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta arrintaasi, isagoo soo dhaweeyay in madaxda Wasaaradda ay socodsiiso howshii uu qaban lahaa Guddigaasi.

Maxamed Xasan Qoono ayaa ku booriyay bulshada ka soo jeedda labada gobol in ay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment