300 Views

Booliska Nigeria oo lagu eedeeyay toogashada haaweeney xaamilo ah

Booliska Nigeria oo lagu eedeeyay toogashada haaweeney xaamilo ah
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Booliska Nigeria ayaa sheegay inay baarayaan askari dilay haweeney qareen aheyd, isla markaan xaamilo aheyd, oo aan hubeysneyn kadib markii ay ka soo baxday kaniisadda Christmas-kii.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Nigeria aysan wax weyn ka sameyn si ay u joojiyaan naxariis darrada booliiska ee dhaliyay mudaaharaadyada 2020-ka.

Sidoo kale Hay’adaha u dooda Xuquuqd Bini\aadamka iyo Beesha caalamka ayaa arintaas aad uga carooday. Waxaana laga bilaabay banaanbaxyo ka dhan ah arintaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post