690 Views

Kenya William Ruto oo Muslimiinta Kenya uggu deeqay xoolo

Kenya William Ruto oo Muslimiinta Kenya  uggu deeqay xoolo
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

 Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, ayaa ku wareejiyey Muslimiinta dalkiisa ari tiro badan, si ay u qashaan Maalinta Ciidda.

Golaha Imaamyada Kenya, oo uu horkacayo hoggaamiyaha masjidka Landhis, Sheekh Axmed Athman, ayaa ka guddoomay ariga Madaxweyne kuxigeenka Kenya, William Sameoi Ruto.

William Ruto, ayaa u rajeeyey Muslimiinta iney si nabad gelyo ah uggu dabaal dagaan Ciiddooda ee Al-Adhxaa.

Maalinta bari ayaa lagu wadaa iney noqoto Maalinta Ciiddul Adhxaa, iyadoo dhammaan Muslimiinta dunida ay qaban doonaan dabaal degyo

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post