783 Views

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Armenia oo Shegtay inay qaadan doonto tababar militari si ay uga qeybgasho dagaalka dalkeeda uu kula jiro Azerbaijan.

Marwada  Ra’iisul Wasaaraha Armenia oo Shegtay inay qaadan doonto tababar militari si ay uga qeybgasho dagaalka dalkeeda uu kula jiro Azerbaijan.
____________________________________________________________________________

Anna Hakobyan oo ah xaaska Ra’iisul Wasaaraha Armenia ayaa shaacisay inay qaadan doonto tababar militari si ay uga qeybgasho dagaalka dalkeeda uu kula jiro Azerbaijan.

Hakobyan oo 42 jir ah waxay barta Facebook ay ku leedahay ku sheegtay “In sababta ay u gaartay go’aankaas uu yahay sidii ay u difaaci laheyd xudduuda Armenia”

“Laga bilaabo berri aniga 13 haween ah oo kale waxaan bilaabeynaa qaadashada tababar militari, maalmo kaddib waxaan tegi doonaa deegaanada xudduudda ah, mana ogolaaneyno in dhulkeena iyo dalkeena uu la wareego cadawga”

Wararka waxay sheegayaan in wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaaraha Armenia uu ku sugnaa furriimaha hore ee dagaalka tan iyo horraantii bishan.

Nikol Pashinyan waxay ugu baaqday shacabka Armenia inay kusoo biiraan ciidammada si ay uga qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Azerbaijan, dagaalkaas oo haatan galay toddobaadkii shanaad.

Waxaa qeybo kamid ah gobolka Nagorno-Karabakh ka socdaa dagaalka xooggan oo u dhexeeya ciidamada Armenia iyo kuwa Azerbaijan.

Tobonaan kun oo qof ayaa ka qaxay dagaalka halka kumanaan ciidan ah iyo boqolaal qof oo rayid ah ay kaga dhinteen dagaalka labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay boqolaal shacab ah.

Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii.

Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday.

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post