1227 Views

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo safar dhulka ah ugaga baxay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo safar dhulka ah ugaga baxay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar dhulka ah goordhow ugaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu aaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug isagoo ay hore u sii galbiyeen ciidamo ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka soo tegey magaalada Gaalkacyo iyagoo doonayay in soo galbiyeen Madaxweyne Xaaf balse loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Dadaalo lagu doonayay in ay wadahadal toos ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxweyne Xaaf ayaa guuldareystey hase yeeshee waxaa wadahadal uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Madaxa Maamul Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Ka tegitaanka magaalada Dhuusamareeb ee Madaxweyne Xaaf ayaa imanaysa kadib markii magaaladaas ay ka tageen wasiirka arrimaha gudaha Galmudug iyo madaxa Maamulka Galmudug kuwaasoo howlo nabadeyn ah ugu ambabaxay magaalada Matabaan oo ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment