501 Views

Mataano isku dheggenaa oo qaliin lagu kala saaray

Mataano isku dheggenaa oo qaliin lagu kala saaray
____________________________________________________________________________

Julay  2, 2022

Dhaqaatiirta isbitaalka qaran ee Muhimbili ayaa ku guuleystay qaliin ay ku kala saareen Rehema iyo Neema.

Qaliinkaasi guuleystay oo qaatay muddo todoba saacadood, ayaa waxaa uu bilowday sadexda aroornimo, wuxuuna soo dhamaaday sagaalka fiidnimo, inkastoo ay jireen dhibaatooyin iyo caqabado waaweyn oo ay kamid ahaayeen in la kala saaro beerka, wadnaha iyo unugyada gudaha ee jirka.

Qaliinka ayaa waxaa la sameeyay jimcihii,1-da bisha Luulyo, waxaana ka qeyb qaatay 31 khubaro caafimaad oo ka soo jeeda dalka Tanzania iyo shrkadda Operation Child Life oo laga leeyahay Ireland. Mar ay la hadleysay warbaahinta, Zaituna Bokhari, oo ah dhaqtarad ku takhasustay qaliinada oo ka howl gasha isbitaalkaasi ayaa sheegtay in qaliinka ay fuliyeen 12 dhaqtar oo ku taqasusay qaliinada carruurta.

Qaliinka la sameeyay jimcihii, ayaa galay taariikhda iyadoo Tanzania ay noqoneyso dalkii sadexaad ee qaaradda Africa ee sameeya qaliin lagu kala saarayo mataano marka laga soot ago dalalka Masar iyo Koonfur Africa.

Si lamid ah, dhaqaatiirta ka howl gala isbitaalka Muhimbili ee ku yaalla Tanzania, ayaa waxaa u suurta gashay inay markii ugu horeysay kala saaraan laba mataano, tan iyo markii qaliinkaasi laga bilaabay xarunta caafimaadka Dar es Salaam sanadkii 1994-tii Mapacha hao wa kiume wenye umri wa miezi miwili walitenganishwa na madaktari bingwa 10, miongoni mwao wakiwa Watanzania tisa na mmoja kutoka Ireland.

Pacha hao walikuwa wameunganishwa kwenye sehemu ya tumbo kuelekea kifuani, hali inayojulikana kitabibu kwa jina la omphalopagus.

Mataanahaasi oo ahaa wiilal oo da’adooduna tahay laba bilood ayaa waxaa kala saaray dhaqaatiir gaaraya toban, kuwaas oo sagaal kamid ah ay ka soo jeedaan Tanzania halka labada kalena ay ka yimaadeen dalka Ireland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post