1611 Views

Mareykanka oo la wareegay amniga garoonka Kaabuul

Mareykanka oo la wareegay amniga garoonka Kaabuul
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Muuqaalo argagax leh ayaa laga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul iyada oo dadka ka quustay waddanka ay isku dayayaan in ay cararaan kadib qabsashadii caasimada Afgaanistaan ​​ee Taliban.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC -da u sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen fowdada garoonka, oo ay ammnigiisa sugayaan ciidamada Mareykanka.

Duulimaadyadii ganacsiga ayaa inta badan la hakiyay, iyadoo ay garoonka ku xayirmeen boqolaal qof oo reer Afgaanistaan ​​ah iyo dad kale oo ajaanib ah.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa isku dayaya inay daad gureeyaan shaqaalaha iyo xulafadooda.

Axadii kooxda Taliban ayaa ku dhawaaqday guul kadib markii madaxweynaha Afgaanistaan ​​Ashraf Ghani uu dibada u baxsaday ayna burburtay dawladiisii.

Dib u soo noqoshada Taalibaan ayaa soo afjaraysa ku dhawaad ​​20 sannadood oo isbaheysiga uu horkacayo Mareykanka uu dalka ka joogay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post