657 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar deg deg ah siiyay laamaha Amniga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar deg deg ah siiyay laamaha Amniga
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay laamaha amniga, isaga oo faray xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho .

Kulanka oo ka qabsoomay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa  Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu  kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Xijaar, kuxiigeenkiisa Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud ( Qaroole) , Taliyaha qeybta Booliska Garoonka Aadan-Cadde & Xubno kale.

Kulankan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la qaatay laamaha Amniga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu u duulay Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post