1080 Views

SAWIRO: Kheyre oo gaaray Baydhabo

SAWIRO: Kheyre oo gaaray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Amniga Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

 

Waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda.

 

Waxaa uu hadda dadweynaha kula hadlaya garoonka kubbadda cagta Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment