633 Views

Seychelles oo sii daysay shan nin oo Soomaali ah oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo.

Seychelles oo  sii daysay shan nin oo Soomaali ah oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Dowladda Seychelles ayaa sheegtay in ay sii daysay shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo.

Maxkamadda Sare ee Seychelles, ayaa sheegtay in aysan jirin wax caddayn oo muujinaya in Raggaas ay Burcad-badeed ahaayeen, sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Seychelles, ayaa laga soo xigtay in ragga la sii daayay lagu celin doono dalkoodii Soomaaliya.

Waxa xusid mudan, in weli aan la shaacin magacyada ragga la sii daayay, islamarkaana aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin xogtooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post