1389 Views

Maxamed Xasan Cirro “Cabashooyin badan oo Doorashada la xiriira ayaa nasoo gaaray”.

____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

 Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay VOA ayaa sheegay in cabashooyin badan oo la xiriira Doorashada in Guddigoodu soo gaartay.

Maxamed Xasan Cirro ayaa labo qayb u kala qaaday cabashada, tan koowaad waxa uu ku sheegay mid la xiriirta musharixiinta xildoonka ah, halka tan labaad ay tahay Ergada beesha kursiga dooraneysa Xildhibaanka.

“Cabashooyinku way kala duwanaanayaan Tabashooyin badan ayaa nasoo gaaray, maalmaha ama saacadaha soo socda waxa aan fadhi la leenahay Jawaari” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha GHDD FEIT.

Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in waajibaadka saaran Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ay tahay fududeynta Doorashada maadaama Xildhibaannada ay dooranayaan Ergada Beesha kursiga iska leh.

“Goobaha Doorashooyinka waxaa inoo jooga ergooyin, eedeynta ah Dad aan beesha ahayn ayaa Xildhibaanka Doortay waa eedeyn culus, qof weliba oo Ergay ah waxa aan ka buuxinaa xog dhammeystiran oo la xaqiijin karo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Warbaahinta waxaa la hadlay Shaqsiyaad cabashooyin ka qaba Kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya oo qaarkood la doortay halka kuraasta kale weli Doorashadoodu aanay dhicin.doortay & kuwo weli aan la dooran,

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post