1113 Views

Axmned Madoobe oo maalmihii la soo dhafay la kulmay Q.midoobay USA, EU, UK, Midowga afrika iyo Musharixiinta

Axmned Madoobe oo maalmihii la soo dhafay la kulmay  Q.midoobay USA, EU, UK,  Midowga afrika  iyo Musharixiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogayn Garoonka Muqdisho ayaa kulamo la lahaa Beesha caalamka  iyo siyaasiyiinta Soomaaliya.

Axmed islaam ayaa manta kulan la qaatay  Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, waxa uuna kala hadlau xaalada dalka iyo qaabkii loo gaari lahaa doorasho loo dhan yahay.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan,  Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. 

Axmed ayaa malmihii la soo dhaafay waxa uu la kulmayay Safiiro ka socda caalamka, Wakiilka ka socda Maraykanka, kan Q.midoobay Safiirka UK iyo Xubno ka socda midowga Yurub taasi oo muujinaysa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay axmed Madoobe.

Dhinaca kale axmed ayaa waxa uu kulamo la yeeshay maalmihii la soo dhaafay Midowga Musharixiinta ee ka soo horjeeda Dowlada Waqtigeeda dhamaaday iyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi xaashi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post