1110 Views

Madaxweyne Cusub Oo Loo Dhaariyey Koonfur Afrika

Madaxweyne Cusub Oo Loo Dhaariyey Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–In ka badan 35,000 oo qof oo ay ku jireen Madaxweeynayaal ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda lagu caleemo-saaray Madaxweynaha dalkaasi, Cyril Ramaphosa oo lagu qabtay Garoon ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Pretoria.

Madaxweynaha cusub waxa uu sheegay inuu Waa’ cusub u baryey dadka Reer Koonfur Afrika, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo Kobcinta Dhaqaalaha iyo La-dagaalanka Faqriga iyo Musuqa.

Madaxweyne Ramafoosa oo 66-jir ah waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay Halgankii lagu soo af-jaray Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Ramafoosa waxa u unoqday Madaxweynihii 6-aad ee dalkaasi ee si Dimuqraadi ah lagu soo doortay, wuxuuna xilka kala wareegay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma oo is-casilay bishii Febereeyo ee sannadkan, kadib, fadeexad dhanka musuqa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment