1725 Views

Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 11, 2018 —Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  guddoomiyay kulan looga hadlayay ammaanka dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga dalka ka wadaan gobalada Dalka.

“Kulnka waxaa looga hadlayay ammaanka dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga dalka ka wadaan Goballada dalka, waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay”. Ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka dalka, taas oo qayb ka ahayd qodobbadii ka soo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaas oo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

3 4 5 6

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment