489 Views

Ruushka oo sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada uu ka wado Ukraine

Ruushka oo sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada uu ka wado Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Militariga Ruushka ayaa sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada uu ka wado gobolada kala duwan ee dalka Ukraine.

Ruushka ayaa xoogga saaraya imika gobolka Donbas ee bariga Ukraine iyo magaalada go’doonsan ee Mariupol.

Maalintii isniinta oo dhan, Ruushka waxa uu tiro gantaalo iyo madaafiic ah ku garaacay qaar ka mid ah degaannada bariga, siddeed qof oo rayid ah ayaana lagu dilay magaalada Kreminna ee Luhansk iyo aagga Donetsk.

Toddobo qof ayaa ku dhintay kow iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen afar weerar oo Ruushku ka geystay galbeedka Lviv, magaaladaas oo inta badan laga badbaadiyay weerarradii ka dhacay meelaha kale ee Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Luhansk ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad u adag oo ku tilmaamay inay tahay wax cadaabta la mid ah”, iyadoo dagaallo joogto ah laga soo sheegayo magaalooyinka qaar.

Magaalada labaad ee Ukraine ee Kharkiv, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in daadgureynta dadka rayidka ah ay ka socoto meelaha la filayo in isku dhacyo xooggan ay dhacaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post