2895 Views

Xasan sheekh Maxamuud Oo Ka Hadalay Shirka Ka Soconayo Magalada Muqdisho

Xasan sheekh Maxamuud Oo Ka Hadalay Shirka Ka Soconayo Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 05, 2017 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo Shirka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo amaanka iyo dhaqaalaha.

Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ku yiri.

“Shirka ka socda muqdisho waxaan rajeynayaa in ay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah, dhinacyada ka qeyb galaya waxaan filayaa in ay diiradda saaraan sidii dhibka looga saari lahaa Soomaaliya oo dhibaato ku heysato dhaqaalaha, amaanka iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kaban doonto waqtiyada dhaw loona baahan yahay iskaashi iyo isku tanasulid.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment