612 Views

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo dil ku xukuntay askarigii dilay Sakariye iyo Sowdo

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo dil ku xukuntay askarigii dilay Sakariye iyo Sowdo
____________________________________________________________________________


Talaado: January 4, 2022

Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu soo gaban gabeeyay Dacwad socotay Mudo bil ah. Oo ku aadanaa Dilka Sakariye iyo Sowdo

.

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sakariye iyo Sowdo.

Labadii bishii hore ee December ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haystay labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa waxay xukun ku riday askarta loo haysto dilkaas oo lagu kala magacaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) lagu xukumay dil toogasho ah, halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Sidoo kale Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Sakariye iyo Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen labada walaalo uu riday Dable Kanidiid, ayada oo ay sheegtay in labo xabadooda oo uu Dable Dayax uu riday aysan cid waxba ku noqon.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post