624 Views

Wararkii ugu danbeeyey Ciidamo horleh Oo gaaray Boosaaso.

Wararkii ugu danbeeyey Ciidamo horleh Oo gaaray Boosaaso.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 29, 2021

Iyada oo magaaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidamada PSF-ta ayaa Puntland waxaa ay Ciidamo horleh geeysay Magaalada Boosaaso.

Xalay Saqdii dhexe ayaa Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala suwan iyo hub culus waxaa ay ka gudbeen magaalada Garoowe, iyaga oo gaaray Magaalada Boosaaso.

laamaha Amniga Maamulka Puntland ayaan weli wax faah faahin ka bixin ciidamadaas lagu daad gureynayo Magaalada Boosaaso, balse waxaa jira digniin Madaxda Puntland u dirayeen saraakiisha Ciidamada PSF.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa hadda ku wada sugan Ciidamada PSF oo wata hub farabadan iyo kuwa Maamulka Puntland, iyada oo Bulshada Magaalada Boosaaso ay muujinayaan walaac ku saabaan cabsi ay ka qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post