1413 Views

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo gaaray magaalada Galkacyo

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo gaaray magaalada Galkacyo
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo Cuqaal iyo qaybaha bulshada ayaa si diiran Wasiirka ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradahaa Cabdillaahi Yuusuf.

Wasiir Duraan ayaa bulshada iyo Maamulka Gobolka uga mahadceliyay sida ay usoo dhaweeyen, isagoo sheegay in kulamo is xog waraysi ah uu la qaadanayo qaybaha bulshada Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa adkeeyay in lasii horumariyo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada Gobolka, isagoo sheegay in nabadda Mudug ka hanaqaaday ay Soomaaliya oo dhan gaarayso.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post