528 Views

Kuuriyada Waqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay

Kuuriyada Waqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay
____________________________________________________________________________


khamiis: January 6, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal riddo gaaban, kaas oo u muuqda in uu yahay midkii labaad  ee ay ku guulaysto muddo yer, sida ay baahisay Khamiista maanta ah wakaaladda wararka ee Kuuriyada waqooyi ee KCNA, laakin lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la diray gantaalkaas.

Gantaalkan ayaa ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic missile’, waana markii ugu horreysay ee uu tijaabiyo dalkan Nukliyeerka heesta sanadkan.

Gantaalka la ganay ayaa si sax ah ugu dhacay bartilmaameed meel  700km u jirta”, Caasimadda Pyongyang.

Tani waxay ahayd tijaabadii labaad ee la soo wariyay ee waxa ay Pyongyang ku andacoonaysaa inay ahaayeen gantaalo dulmaraya hawada sare, maadaama ay ku raad joogto tignoolajiyada casriga ah in kasta oo ay saaran tahay cunaqabatayn iyo cambaarayn caalami ah.

Gantaalada ‘Hypersonic ayaa ah kuwa aad u dheereeya kuwa caadiga ah, taas oo ka dhigaysa in ay aad ugu adag tahay habka difaaca gantaalada, oo Maraykanku balaayiin dollar ku bixinayo, si uu u dhexgalo.

Gantaalada Hypersonic ayaa lagu taxay hub loo naqshadeeyay si istiraatiji ah waana qorshe ay hadda damacsan tahay Kuuriyada Waqooyi kaasoo si rasmi ah loo shaacin doono muddo shanta sano  gudahood, waxayna tijaabadeedii ugu horreysay la shaaciyay8-dii bishii September ee sannadkii hore.

Mareykanka, Japan iyo Canada ayaa cambaareeyay tijaabada Kuuriyada waqooyi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxa uu sheegay in ay cambaareenayaan tallaabada yiri Kuuriyada Waqooyi.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Washington iyo Pyongyang ee looga hadlayay barnaamijka Nukleerka ee Kuuriyada waqooyi ayaa weli hakad ku jira, kaddib markii uu burburay wadahadalladii Kim Jon Un iyo madaxweynihii horre Mareykanka Donald Trump sannadkii 2019-kii.

Si kastaba, madaxweyne Joe Biden, oo ah ninka baddelay madaxweynihii horre ee Maraykanka ayaa ayaa si isdaba joog ah u sheegayay  inuu doonayo inuu la kulmo wakiilada Kuuriyada Waqooyi, isagoo sheegay inuu raadin doono baabi’inta nukliyeerka.

Balse Pyongyang ayaa ilaa hadda iska diiday dalabkaas, iyadoo ku eedaysay Washington inay waddo siyaasado cadownimo ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay u baahan tahay hubkeeda si ay isaga difaacdo duulaanka Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post