1212 Views

Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka ay TPLF kula wareegtay magaalooyin ku yaalla Itoobiya

Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka ay TPLF kula wareegtay magaalooyin ku yaalla Itoobiya
____________________________________________________________________________

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka walaacsan tahay wararka sheegayo in fallaagada Tigray ay la wareegtay labo magaalo muhiim ah oo la kala yiraahdo Dessie iyo Kombolcha.
“Dagaalka sii socda wuxuu uga sii daraya xaaladdi banii’aadimo ee ka jirta waqooyiga Itoobiya” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

Wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada militeri.
Shaley Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa taageerayaashiisa ku booriyay inay adeegsadaan hub kasta oo ay heystaan si ay u joojiyaan horusocodka ay wadaan ciidammada fallaagada Tigreega.
Kumanaan qof ayaa ku dhintay colaadda halka malaayiin qof ay ka qaxeen gobolka tan iyo sanadkii lasoo dhaafay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post