648 Views

Maamulka Galmudug oo baaq deg deg ah ka soo saaray Abaaraha ka jira Galmudug

____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

Wasiirka Wasaaradda Warfaafina Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku maraya degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegay inay u kuur galayaan xaaladaha dadka ay abaartu saameeysay.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo kasoo jawaabay baaqii la xiriiray u gurmashada dadka abaartu saameeysay ee kasoo yeeray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isaga oo u mahad celiyay dadkaas.

Sidoo kale Wasiir falagle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in amni buuxa uu kajiro degaannada Gobolka Mudug, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dadka kunool ee kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo uu sheegay inay hal goob wax ku wada cunayaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Galmudug waxaa uu sheegay inay abaarta jirta ay kasoo jawaabi doonaan dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, wuxuuna ku baaqay in dadka ay abaartu saameeysay loo gurmado.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post