897 Views

La taliyihii Amniga Madaxweyne Deni oo geeriyooday

La taliyihii Amniga Madaxweyne Deni oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2020 –Rabi naxariistiisa jano haka waraabiyee waxaa dalka Turkiga ku Geeriyooday General Khaliif Ciise Muddan oo ahaa siyaasi weyn looga yaqaanay degaanada maamulka Puntland, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay.

Sanadkii 2011-kii ayuu soo noqday Wasiirka Amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Geerida Marxuum Jeneral Khaliif Ciise Muddan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Waxaa soo noqday Musharax xilka Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana Alle ha u naxariisto Jeneraalku wuxuu hadda ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Deni.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post