288 Views

Wasiir Fiqi” Al-Shabaab waxaa ay qorsheynayaan iska horkeenka beelaha”

Wasiir Fiqi” Al-Shabaab waxaa ay qorsheynayaan iska horkeenka beelaha”
____________________________________________________________________________

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan iska horkeenka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in Alshabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwo mooriyaan ah, oo burcad ah, isaga oo intaa raaciyey in dhibaatada Al-Shabaab odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Wasiirka waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka Alshabaab iyaga oo wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post