894 Views

Deni oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

Deni oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaashaiyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post