747 Views

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland Koore oo safaaradda Maraykanka u diidday dalkugal (visa) USA

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland  Koore oo safaaradda Maraykanka  u diidday dalkugal (visa)  USA
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayay safaaradda Maraykanka ee fadhigeedu yahay Muqdisho u diidday dalkugal (visa) si uu uga mid noqdo wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo bartamaha bishan booqasho ku tagi doona Maraykanka.

Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale loo diiday inuu raaco Biixi. Koore iyo Kaahin waxay si gaar ah ugu eedeysan yihiin barakicintii qasabka ahayd oo dad Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Laascaanood.

Kaahin wuxuu ku eedeysan yahay fududeynta hawlgalkii barakicintii qasabka ahayd oo saameysay 1600 oo qof.

Jaalliyadda Koonfur Galbeed ee Waqooyiga Maraykanka ayaa dacwad ka gudbiyay madaxda ugu sarreysa ee maamulka Somaliland. Waxay ku eedeeyeen in ay ku xadgubeen xaqa muwaadinnimo si ay ugu noolaadaan meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa difaacay go’aanka barakicinta qasabka ahayd isagoo weerar ku qaaday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan isu duwidda arrimmaha aadamiga (OCHA).

Ma cadda in Safaaradda Maraykanku dib u eegi doonto go’aanka labada wasiir dalkugal loogu diidday. Dhowaan waxay dowladda Maraykanku soo saartay siyaasad ay socdaalka kaga xannibeyso siyaasiyiin ay ku tilmaantay inay yihiin kuwo xagal-daacinaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post