2343 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare
____________________________________________________________________________

Jowhar | QOL | September 13, 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, iyadoo uu soo baxayo warar sheegaya inuu socdo olole mooshin looga keenayo.

Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu yeereen magaalada Jowhar, inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo loo weydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wax laga weydiin doono xaalada amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo sababta keentay inuu wax ka qaban waayay balan-qaadyadii uu sameeyay intii uu Musharaxa ahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Waare ay la xisaabtami doonaan, isagoo ku dhaliilay in markii uu xilka qabtay dib u dhac fara badan uu soo wajahay Hirshabeelle mudadii sanadka aheyd ee uu xilka haayo.

Waxaa uu sidoo kale dhaliil ugu soo jeediyay inuu qeyb ka yahay go’aankii Maamul goboleedyada ee ay u hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana aysan la dhacsaneyn go’aankaas, cod dheerna ku diidayaan.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galay shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed, iyagoo aan culeysyadaas la qabin Madaxda maamulada kale ee ka qeyb galay shirkaas.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment